Sawirro: Madaale oo maanta bixiyay abaal-marino lacag ah iyo ballan-qaad weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gaba-gabeenayay tartanka Qur’aan aqriska bisha Ramadaan ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo mid sanadle ah ayaa waxaa taaba-geliya guddoomiyaha gobolka Banaadir Md. Madaale, waxaana ku tartamay ardey ka kala socday dugsiyadda Qu’aanka Kariimka ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa abaal-marino lacag ah siiyay ardeyda kaalmaha hore ka gashay tartankaan, kuwaasi oo kaalimaha u kala galay:

1- Mujiiburaxmaan Maxamed Cabdullaahi (Kaalinta 1-aad). Waxa uu ka socday degmada Waabari.

2- Asmaa Maxamed Ibraahim (Kaalinta 2-aad) oo ka socotay degmada Wadajir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in guuleystayaasha kala galay kaalmaha 1-aad iyo 2-aad Waalidiintooda loo qaadi doono Xajka.

Waxa uuna ku amaanay ardayda xaafidul Qur’aanka iyo Waalidiintooda sida ay ugu da’daaleen xafidida Qur’aanka Kariimka oo ah daraja iyo maqaamka sare oo uu gaaro qofka muslimka ah.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo awqaafta, xildhibaano, culuma’udiin, agaasimeyaal, guddoomiyeyaal degmo, ururka haweenka gobolka, macalimiinta dugsiyadda, waalidiin iyo marti sharaf kale.