Sawirro: MADAALE oo maanta ka farxiyay in ka badan 400 caruur ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowaldda Hoose ee Xamar ku qaabilay 450 caruur Agoon ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysas danyar ah, kuwaas oo maanta laga farxiyay.

Caruurtan korka u dhaafay afarta boqol ayaa waxaa maanta loo qeybiyay dharkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen munaasabada Ciidul Fidriga oo nagu soo aadan.

Munaasabadan waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo aggaasime ku-xigeenka Waaxda Agoonta iyo da’yarta tabaaleysan ee gobolka Banaadir Ilhaan Aweys Axmed.

Dadkii deeqdan Ciidsiinta ah ka faa’ideystay waxaa kamid ahaa qoysas kasoo jeeda dalka Syria iyo qaar kamid ah caruurta Baahiyaha gaarka qaba.

Waxaana inta ay deeqdan socotay uu guddoomiye Yuusuf Madaale mid mid warbixin uga dhageestay caruurtii iyo waalidiintii madasha ku sugneyd.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee Ilaaheey wax siiyay in ay u naxariistan oo ay ilgaar ah ku fiiriyaan caruurta Agoonta ah.

Tallaabadan uu maanta qaaday Madaale ayaa ah mid bogaadin mudan, maadaama uu ciidsiiyay qeyb kamid ah agoontii iyo danyartii ku nooleyd caasimada uu ka taliyo, waxaana dowladda loogu baaqaya in kaalin ka weyn midda gobolka ay dhankeeda ka geysato mowduucan.