Sawirro: Madaale oo saxiixay miisaaniyadda gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta saxiixay miisaaniyadda sanadka cusub ee 2024, iyo xeerka nidaaminta maaliyadeed ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Ciise Guure ayaa madasha ka sheegay in miisaaniyadda iyo xeerka nidaamka maaliyadeed ee hanaanka hufan (PFM system) uu wax weyn ka tarayo daah-furnaanta iyo isla xisaabtan dhab ah, asigoona ka codsaday mas’uuliyiinta in ay ansixiyaan.

Mas’uuliyiinta Madashada ku sugnaa ayaa codad gaaraya 88-cod ku ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2024 iyo xeerka nidaamka maaliyadeed ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Ansixinta miisaaniyadda sanadka cusub iyo xeerka nidaamka maaliyadeed ee maamulka ayaa waxaa diiday 7-xubnood, halka 4-xubnood ee ku aamuseen.

Munaasabadda ansixinta miisaaniyadda maamulka gobolka Banaadir ee 2024, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xoghayaha Guud, Madaxda Maamulada Degmooyinka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Madaxda deegaanada gobolka Banaadir, Agaasimeyaasha guud, Agaasime waaxeedyadda, La-taliyeyaal iyo Garyaqaanka maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale oo madasha ka hadlay ayaa ugu dambeyntiina wuxuu u mahad-celiyay masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmooyinka, isaga oo sheegay in halka la jooga maanta lagu soo gaaray wada-jir iyo wada-shaqeyn.

“Wada-jirkii iyo wada-shaqeyntii waa kusoo caana maalnay, wixii noo qabsoomay sanadkii 2023 waxaa kusoo bandhigi doona xafladda sanad-guurada, oo rajeynayno maalmaha soo socota in aan qabano halkaasi ayaa lagu sheegi doona waxa dhan.”