Sawirro: Madaxa AMISOM oo booqday dukaamo ay ku ganacsadaan Soomaalida Minnesota, USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminaayo Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somalia ahna madaxa AMISOM Maman Sidikou ayaa booqasho ku tagay xarumo ganacsi oo ay Soomaalidu ku leeyihiin gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Maman Sidikou ayaa hal hal u booqday dukaamo ay Soomaalidu ku iibiyaan agabyo kala duwan sida dharka, kutubta diiniga ah, waxa uuna ka xog wareystay ganacsigooda iyo caqabadaha ka heysta inay taabagaliyaan horumarka Somalia iyo maalgashiga.

Maman Sidikou waxa uu sidoo kale booqan doonaa gobolo kale oo ay ku noolyihiin Soomaalida si uu waxbadan uga ogaado rabitaankooda ku aadan hirgalinta nabada Somalia iyo kaalimaha kaga aadan inay sara u qaadan Horumarinta dalkooda.

Booqashada Maman Sidikou ayaa qaadan doonto muddo Afar Cisho ah oo uu ku indha indheyn doono ganacsiga Soomaalida, waxa uuna kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Ganacsatada, Waxgaradka isaga oona macluumaad kasiin doono halka ay AMISOM wax marineyso.
s1

s2

s3

s4

s5

s6

s7

s8

s9

s10

s11

s12

s13