Arag Sawirrada: QM oo tababar aan caadi aheyn u furtay saraakiil ka tirsan ciidamada DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho looga furay Tababar looga kabaayo dhinacyo kala duwan.

Tababarka ayaa waxaa bixinaayo Saraakiil Boolis ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaasi oo Tababarkooda diirada ku saaraya Shuruucda iyo qaabka loo baaro faldanbiyeedyada.

Xarunta uu ka socdo Tababarka ayaa waxaa koontaroolay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale oo iyagu talooyin siinaayay Saraakiisha uu u socdo Tababarka.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10