London (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa aad loo yareeyay saameynta ay ku yeelan karaan shirarka London ee maanta iyo beri dhacaya, waxaana ay u muuqdaan kaliya ka qeyb-galayaal.
Shirarkii dhacay maanta ayaa ay ka ahaayeen goobjoogeyaal, waxaana jirin wax hadal ah oo ay goobta ka jeediyeen. Sidoo kale waxaa loo diiday inay fariistaan wareega kuraasta ee madaxda shirk ay ka hadleysay.
Kaamirooyinka qaar ayaa soo qabtay ayaga oo qaarkood ku dhex jira shacabka, islamarkaana madaxa la raacaya inay arkaan waxa meesha ka socda.
Waxaa munaasabba ka hadlay kaliya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda UK iyo kuwa caalamiga ah ee shirk aka qeyb-galaya. Waxaa sidoo kale hadallo jeediyey xubnaha bulshada rayidka iyo qurbo-joogta.
Shirka ayaa si rasmi ah u furmaya berri, waxaana maanta dhacay kaliya shirar horudhac ah shirka weyn.
Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa horey looga bartay kuwo ka xawaare dheereeya madaxda dowladda federaalka, una dhaqma sida madax dal oo kale, hase yeeshee waxaa muuqata in maamulka Farmaajo uu ku guuleystay inuu arrintaas xaddido.