Sawirro : Xildhibaanad arrin cajiib ah ka dhax sameysay xarunta baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadaani oo lagu magacaabo Larissa Waters ayaa noqoneysa Xildhibaanadii ugu horeysay ee Xarunta baarlamaanka Australia ku dhex nuujisa canug yar oo ay dhashay.

Larissa Waters, ayaa kasoo dhexmuuqatay fadhiga Golaha baarlamaanka Australia, iyadoo dhabta ku heysa canugeeda yar oo bilo jirsaday isla markaana nuujineysa.

Larissa Waters, ayaa xubin firfircoon ka ah xisbiga garabka bidix ee Greens party, waxa ayna talaabadaani ku dhiiratay kadib markii lagu amray inay soo xaadirto kulanka baarlamaanka.

Larissa Waters, oo ah haweeney ku firfircoon dhanka Siyaasada ayaa noqotay Siyaasiyaddii u horraysay ee ilmaheeeda naas ku dhex nuujisa baarlamaanka dalkaasi.

Talaabada Larissa Waters, ayaan dareen galin Xildhibaanada kale, waxa ayna u muujiyeen inay aad ugu faraxsan yihiin in Larissa Waters, ay canugeeda ku dhex barbaariso Xarunta baarlamaanka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET