Mas’uul shaki weyn galiyay in Somalia ay leedahay garsoor lagu hiran karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan BFS ayaa ka hadlay cadaalad darro uu sheegay inay ragaadisay Garsoorka Somalia oo laf-dhabar u ah cadaalada.

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax oo kamid ah mudanayaasha BFS, ayaa qiray in dalka uusan laheyn wax cadaalad ah, waxa uuna meesha ka saaray in waxa iminka leysku xukumo uu yahay wax shabaha Garsoor.

Waxa uu Xildhibaanka tibaaxay in Somalia aysan u baahneyn Garsoor ay kadaba jiitamayaan reero iyo shaqsiyaad gaara, balse waxa uu cadeeyay in loo baahan yahay Garsoor caadil ah oo aan mugdi ku jirin.

Xildhibaan Warsame, waxa uu qiray in Cadaalad darro baahsan ay ka jirto Garsoorka Somalia, waxa uuna ku baaqay in laga gaaro xili hore.

Xildhibaanka ayaa Madaxda Qaranka ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameeyaan arrimaha Garsoorka.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Xabsiyada waxaa ka buuxa dad aan dambiyo lahayn iyo kuwa dambiyo aysan laheyn lagu xukumay”

Docda kale, haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Garsoorka dalka uu noqonaayo kan looga cabashada badan yahay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET