Farmaajo oo sheegay in laba qodob uu ka fili doono shirka London

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in shirka London uu ka fa’iido badnaan doono shirarkii horay loogu qabtay magaalada London.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ay kalsooni buuxdo ku qabto in guul laga gaaro shirka, waxa uuna cadeeyay in dhammaan qodobada laga hadli doono ay kasoo bixi doonaan natiijo wanaagsan.

Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in ahmiyad gaara ay u leeyihiin dhammaan qodobada laga hadli doono balse ay si gaara u rajeenayaan in guul laga gaaro 2 qodob:

1-In Somalia laga dulqaado Cunaqabateynta Hubka ee dhowrka sano saaran.

2-In Madaxda caalamka ay Somalia u ansixiyaan in Somalia ay ka saaci doonaan amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay ku hanweyn yihiin in labadaasi qodob ay kala soo laabtan shirka London, waxa uuna arrin wanaagsan ku tilmaamay in Madaxda Soomaalida ay ku sifooban midnimo iyo kala danbeyn lamid ah kan lagu tagay London.

Shirka London ayaa waxaa lagu marti galiyay ilaa 40 dal oo dhammaantooda garab u ah Somalia, kuwaa oo qaarkood laga filaayo in Madasha ay ka shaaciyaan deeqo lacag.

Si kastaba ha ahaatee, 2012kii ayey ahayd markii Shir nuucaan oo kala ah ay dowladda Ingiriiska u qabatay Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET