Cabdi Weli Gaas: Waan wada Farmaajeysanahay ee Farmaajo noo geeya

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday magaalada London ayaa sheegay in dhammaan Madaxda Qaranka ay ku mideysan yihiin shirka Londo.

C/wali Gaas, waxa uu sheegay in Somalia ay soo martay xili ay dhowr jiho u kala socdeen Madaxda DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada, balse iminka laga gudbay.

Waxa uu tilmaamay in madaxda Soomaalida ay ka go’an tahay inay ka miro dhaliyaan shirka waxa uuna carab dhabay inay ka dhabeyn doonaan midnimadooda.

”Waxaan sheegayaa inaanu jirin is afgarad la’aan iyo kala aragti duwanaan madaxdu wey mideysan tahay shirkuna wuxuu kusoo dhammaan doonaa guul”

”Dowladu waxa ay wadaa dadaal fog, waxaan ku rajo weynahay in la dhameystiro waxyaabaha kale ee dhibta ka dhex maleegta madaxda”

Sidoo kale, C/wali Gaas ayaa inta uu jeedinaayay khudbada munaasabada ka sheegay in dadku ay yihiin kuwo farmaajeysan, waxa uuna dalbay in loo geeyo Farmaajo.

”Dadku caadi maaha wey wada farmaajeysan yihiin ar Farmaajo u geeya” ayuu yiri C/wali Gaas.

Geesta kale, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa iyagana jeediyey khudbado aad loola dhacay oo ay uga hadlayeen in Soomaalidu iyo dalkaba mid yahay ujeedkana uu yahay midnimo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET