Sawirro: Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo wada gaaray Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada gobolka Nugaal gaaray dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka, sida HirShabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Garoowe ayaa ma’sulliyiintaasi ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa guddoonka baarlamaanka Puntland iyo golayaasha kale ee maamulkaasi.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb-galaya aas halkaasi loogu sameynayo madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga.

Waxaa sidoo kale goor sii horeysay Garoowe gaaray guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi oo isna ka qeyb-galaya munaasabadda aaskaasi.

Ammaanka Garoowe ayaa la xoojiyey, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee aaska Qaran ee loo sameynayo AUN labada marxuum.