Somaliland oo maanta mamnuucday Tubaako ay hore u fasaxday

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay gebi ahaanba mamnuucday tubaako ay hore ugu fasaxday deeganadeeda in lagu isticmaalo, iyada oo si toos ah loo keenayey bilihii u dambeeyay.

Tubaakada ay dib u mamnuucday ayaa lagu magacaaba “Tobacco LYTE Nicotine”, oo ah Tubaako aad u sareeya la qabsigiisu, isla markaana ay ku jirto maado uu qabatinkoodu uu sareeyo.

Wasiirka Ganacsiga ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay keenista tubaakadaasi oo la rumeysan yahay in muddooyinkii dambe ay si xawli ah kusoo gashay gudaha Somaliland.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa hore waraaq fasax ah u siisay isticmaalka iyo ka ganacsiga Tubaakadaasi, iyada oo xiligaasi ay kala qeyb qaateen Wasaarada horumarinta maaliyada, Hay’adda dhowrista Somaliland iyo weliba ciidamada ilaalinta canshuuraha, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Tubaakadan ayaa hore dhowr jeer loo hakiyay, iyada oo dib loo fasaxay markii dambe, balse maanta ayaa si rasmi looga mamnuucay deeganada Somaliland.