Khayre iyo madaxda maamul goboleedyada dalka oo tegaya Garoowe + Sababta

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb ay ku wajahan yihiin magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Qaban-qaabada iyo soo dhoweynta wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Sidoo kale ammaanka ayaa aad ah loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Ujeedada socdaalkan wafdigan ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeybgalaan Aaska ra’iisul wasaarihi hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya,Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland marna soo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Maxamed Cabdi Xaashi oo ka dhacaya gudaha magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo muddooyinkan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa shalay ka baxay magaaladaasi, si uu qeyb uga noqday diyaar garowga aaska qaran ee loo sameynayo mas’uuliyiintaasi oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmnudug oo marti loo yahay.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid horudhac u ah midka ay dhowaan Dhuusamareeb ku yeelayanayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka, shirkii dhawaan ku soo gaba-gaboobay Dhuusamareeb, wajiga labaad ee kulanka Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo qodobo kale.

Waa shirkii ugu horreeyey ee ay yeelanayaan labad dhinac, kadib warmurtiyeedka sabtidii ka soo baxay shirka madaxda maamulka goboleedyada dalka.