Sawirro: Madaxda maamul goboleeyada dalka oo wada gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, si ay uga qeybgalaan shirka magaaladaasi.

Madaxweynaha Galmudug iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa mas’uuliyiintaasi si gooni-gooni ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Dhuusarameeb.

Sidoo kale waxaa shalay halkaasi gaaray madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee BF Soomaaliya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan oo ay ku jiraan kuwo ilaalo u ah madaxweynayaasha ay ku sugan yihiin caasimadda Dhuusamareeb.

Shirka madaxda maamul goboleedyada oo ah mid si aad ah isha loogu hayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu furmo, kaas oo lagu soo aaday, xilli aad u adag.

Intiisa badan waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay shir kan ka ballaaran isugu imaan lahaayeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Si kastaba ha’ahaatee shirkan u gaarka ah maamullada dalka ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dhowaan baaqday shirkii amniga qaranka ee uu iclaamiyey madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, sababo la xariira khilaafka u dhexeeyay labada dhinac.