Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxaY dalka Jabuuti, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho qaadan doonto muddo saddex cisho ah.
Madaxtooyada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Cirro uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle, ayna yeelan doonaan wada-hadallo gaar ah.
Sidoo kale, waxaa madaxweynaha booqashadan ku wehlinaya xubno ka tirsan Golahiisa Wasiiradda iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah xukuumadda, kuwaas oo qayb ka noqon doono wada-hadallada ay yeelan doonaan labada dhinac.
Cirro iyo Geelle ayaa si gaar ah kulankooda diiradda ugu saari doono xiriirka labada dhinac iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, sida ay sheegtay madaxtooyadu.
“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doonaa danaha u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djibouti” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale, dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay safarka Cabdiraxmaan Cirro ayaa iyaduna sheegtay inuu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan soo dhawayno madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ciro. Djibouti iyo Somaliland waa laba laamood oo jirid mida ku yalla., Walaalo ilahay nawada dhaliyay, waana ahan doonnaa mar walba.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Jabuuti oo ka hadlay booqashada madaxweynaha Somaliland.
Waa safarkiisii ugu horreeyay ee uu Cirro ku tegayo dalka Jabuuti, tan markii loo doortay hoggaanka maamulkaasi, waxaana la filayaa in booqashadan ay dhaba cusub u furto labada dhinac.
Horay sidaan oo kale madaxweynaha Somaliland ayaa booqasho rasmi ah ugu tegay dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo wada-hadallo muhiim lasoo yeeshay madaxda dalkaasi.