Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo dhowaanahan ku sugnaa magaalada Boosaaso isaga oo hagaya dagaalka ka socda buuraha Calmadow, ayaa maanta u ambabaxay dalka Itoobiya. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu halkaas uga sii gudbi doono magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta.
Safarkan ayaa la sheegay inuu la xiriiro kulamo muhiim ah oo uu Deni la yeelan doono madax iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara taageerada la siiyo ciidamada ammaanka Puntland, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Sidoo kale, warar hoose ayaa tilmaamaya in Deni uu uga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu qorsheynayo inuu kula kulmo wakiilo ka socda beesha caalamka iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Xogaha laga helayo ilo diblomaasi ah ayaa muujinaya in Imaaraadku doonayo inuu isu keeno Deni iyo Madoobe, si loo mideeyo mowqifkooda ka dhanka ah dowladda dhexe, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa la rumeysan yahay in Imaaraadku qorsheynayo inuu mid walba si gaar ah ula yeesho kulan sir ah oo warbixinno kala duwan la is dhaafsado.
Xiriirka Puntland iyo Jubbaland ayaa hoos u dhacay tan iyo doorashadii Xasan Sheekh, balse hadda waxaa laga dareemayaa dadaallo dib loogu soo celinayo is fahamkooda, maadaama labada maamul ay ka mideysan yihiin diidmada qorshaha Villa Somalia ee ku aaddan dowlad-dhiska iyo maamulka dalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo Axaddii iska xaadiriyay Nairobi ayaa halkaasi ka waday qorshe ka dhan ah dowladda federaalka, isaga oo la shiray wakiilada beesha caalamka iyo saraakiil ka kala tirsan dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo uu kala hadlay xiisadda taagan.
Dhanka kale, shir gaar ah oo maanta ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo ay ka qeyb galeen diblomaasiyiin reer Galbeed ah, ayaa lagu muujiyay walaac xoogan oo laga qabo jihada cusub ee siyaasadeed ee uu qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbiga cusub ee uu dhisay. Reer Galbeedku waxay isku raaceen in Xasan loo baahanyahay in lagu khasbo inuu talada dhexda keeno si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Waxaa sidoo kale la isla gartay in maqnaanshaha mucaarad xooggan oo fadhigiisu yahay Muqdisho uu fursad siiyay Madaxweyne Xasan, taasoo u sahlaysa inuu si aan tartan laheyn u maamulo talada, halka haddii uu jiri lahaa mucaarad dhab ah, ay suuragal noqon lahayd in lagu hayo cadaadis siyaasadeed gudaha caasimadda.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana is haya dowadda dhexe, Jubaland, Puntland iyo mucaarada, kadib markii ay isku fahmi waayeen dastuurka iyo doorashada.