25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Al-Shabaab oo la laayey iyo macawiisleyda Xawaadle oo geleysa Aadan Yabaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Moqokori (Caasimada Online) – Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee Beesha Xawaadle ayaa caawa kaabiga ku haya degmada Aadan-yabaal iyo deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii maanta uu Hiiraan ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa.

Maanta waxay reer Hiiraan u aheyd maalinkii afaraad oo dagaal toos ah ay ku jireen, waxayna ku guuleysteen in Al-Shabaab ay ka soo saaraan gobolka Hiiraan, iyadoo galabta gudaha loo galay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab maanta waxay u aheyd maalintii ugu khasaaraha badneed ee dagaalka ka socda soohdinta labada gobol, waxaa muuqaalo laga soo duubay meydadkooda uu daadsan dhulka howdka ah, godadkii ay qoteen oo laga saaray galabta iyo dhiigooda oo meel kasta yaalla.

Guddoomiyaha Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo SNTV la hadlay ayaa sheegay in berri ay qorsheynayaan inay gudaha u galaan degmada Aadan-yabaal, Daarunicma iyo Al-kowsar, halkaas oo Al-Shabaab ay isaga carareen galabta.

Dagaalkaan socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa maalinkii koowaad lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah, balse maanta ayaa uga sii dared oo si ka daran maalinkaas loo laayey kooxda.

Waxaa loo daatay talisyadoodii oo dhiiga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda ay caawa difaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Degmada muhiimka ah ee Aadan-yabaal dadka ku sugan waxay sheegeen in Al-Shabaab oo ku soo jabay dagaalka ay galabta isaga baxeen magaaladaas, isla markaana aysan caawa joogin hal qof oo Shabaab ah.

Guddoomiyaha Degmada Moqokori wuxuu sheegay in Shabaab ay maanta laayeen oo jabiyeen, balse dhankooda ay maanta u aheyd maalintii ugu khasaaraha yareed afartii maalmood ee dagaalkaan tooska ah ay ku jireen.

Khasaaraha ugu badan wuxuu ciidamada macawiisleyda Hiiraan ee beesha Xawaadle gaaray maalinkii labaad ee dagaalka, dhaawacyo badan oo Muqdisho la keenay ayuu shalay isbitaalka ku booqday Madaxweyne Xasan Sheekh.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Xildhibaano iyo wasiiro heer deegaan ah ayaa weli ku sugan fulimaha dagaalka, kuwaas oo dowladda federaalka ay u dirtay inay xoojiyaan abaabulka dagaalka deegaanadaas looga xoreynayo argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News