Sawirro: Madaxweyne Biixi iyo safiirka UK ee Somalia oo ku kulmay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay wafdiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dhinac ee Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahad-naqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.

Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka.

Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee Somaliland laga fuliyo.

Sidoo kale waxa ay goobta ku kala saxeexdeen labada dhinac heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com