Sawirro: Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku kulmay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada casho sharaf iyo soo dhoweyn ugu sameeyey golaha amniga qaranka ee madaxda maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Madaxda maamul goboleedyada ee xubnaha ka ah guddiga amniga qaranka ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb gelitaanka shirka amniga qaranka oo maanta ka furmi doona Muqdisho.

Xubnaha kasoo qeybgalay casho sharafta ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaaliya, Xasan Cali Kheyre, ku Xigeenkiisa, Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka, Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Galmudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf, Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan madaxtooyada Villa Somalia.