Maxaa ka jira wararka sheegaya in Fannaanka Cali Dhaanto lagu sumeeyey Kismaayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in la sumeeyay fannaanka caanka ah Cali Dhaanto, ayaa waxaa wararkaasi ka hadlay Fannaanka.

Cali Dhaanto, ayaa sheegay inuu yahay mid caafimaad qaba isla markaana ay soo gaaren warar sheegaya in lagu sumeeyay magaalada Kismaayo, hase ahaatee wararkaasi ay been yihiin.

Cali Dhaanto oo u waramaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in laga faafiyay warar been ah, isla markaana magaalada Kismaayo uu ku sugnaa muddo todobaad ah.

‘’Wey isoo gaaren warar sheegaya in leygu sumeeyay xaflad ka dhaceysay Kismaayo waxaas ma jiraan anigu waan caafimaad qabaa dantii aan u aaday Kismaayo waan soo gaaray’’

‘’Waxaa jira dad aad uga faa’iideysta dhibaatooyinka dadka anigu dhibaato lama kulmin waxaana taageerayaasheyda u sheegayaa inaan caafimaad qabo’’

Fannaan Cali Dhaanto, waxa uu hadalkiisa intaa raaciyay in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanagsan, waxa uuna ugu baaqay dadka baraha Bulshada isticmaala in aysan faafin wararka been abuurka ah.

Haddalka Cali Dhaanto ayaa imaanaya xili inta badan dadka isticmaala baraha bulshada ay iska wareysanayaan wararka la faafiyey ee la xiriira in Fannaanka lagu sumeeyay Xaflad uu uga qeybgalaayay magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com