Sawirro: Madaxweyne nadiifinaya waddooyinka!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa soo bandhigtay sawirka Madaxweynaha cusub ee dalka Tanzania John Pombe Magafuli oo ka qeybqaadanaaya nadaafada wadooyinka dalkaasi xili Tanzania ay u dabaal dageyso maalinta xoriyada.

Sawirkaani ayaa noqday kan ugu hadal heynta badan marka la eego saxaafada Caalamka waxa uuna ujeedkiisu yahay in is barbar dhig lagu sameeyo Madaxweynaha Tanzania iyo madaxda kale ee aan kawarqabin xaalada dalkooda.

Madaxweynaha cusub ee dalka Tanzania John Pombe Magafuli ayaa xilkiisa kusoo aaday xili shacabka Tanzania ay u diyaar garoobayaan sanad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay gumaystaha xoriyada ka qaateen.

Tani ayaa ah qorshe cusub oo uu la yimid madaxweynaha cusub ee Tanzania.
MAGAFULI

Magafuli1