Xasan oo shaaciyay arrin in badan uu qarin jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aanka ay DFS ku hirgalineyso doorashada dalka iyo dhibaatooyinka ka heysta Dowlada.

Madaxweyne Xassan ayaa hadalkaani ka sheegay shir laba maalmod socon doona oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in DFS ay ka go’an tahay inay qabato doorasho taariikhi ah, balse waxa uu shaki ka muujiyay qaabka loo baahan yahay in doorashadaasi ay u dhacdo.

Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in DFS ay la liiceyso dhaqaalo xumi, waxa uuna farta ku goday in damacooda uu yahay in doorashada ay sameeyaan Xildhibaano laga soo xulay beelaha Soomaaliyeed oo ay xulistooda horboodi doonto Dowlada.

Xassan Sheekh ayaa Inta uu shirka socday madaxda maamulada dalka ka codsaday in Dowlada ay garab kusiiyaan doorashada islamarkaana ay kasoo dabcaan go’aanka ay ku doonayaan in Xildhibaanada BFS ee imaan doona loo soo xulo qaab deegaan ahaan, iyada oo ay soo xuli doonaan Madaxda maamulada waxa uuna cadeeyay in Dowladu ay ku qanacsan tahay in go’aanka xulista iyaga loo daayo.

Sidoo kale, madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in Dowladu ay walwal ka qabto qaabka Doorashada waxa uuna tilmaamay in qabsoomida doorashada ay hirgali doonto balse ay jiraan dhaliilo kala duwan oo ilaa iyo iminka taagan.
Geesta kale, Xassan Sheekh ayaa ballanqaaday in DF ay dhawaan bilaabeyso ololaha lagu dhaqan galinaayo doorashooyinka dalka, kaliya Dowladuna tahay mid u baahan garab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com