Dr. Baadiyoow: Qorshe xil kororsi ah ayaa socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay jiraan cabsiyo Siyaasiyiinta DFS ka heysta in Dowladu ay ku kacdo wakhti kororsi ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay C/raxmaan Macalin Baadiyoow oo kamid ahaa Musharaxiintii la tartameysay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Baadiyow ayaa sheegay inay u muuqato in hamiga Dowlada iminka jirta uu yahay wakhti kororsi waxa uuna ka digay in Dowladu ay ku hamiso inay dayacdo mas’uuliyadii ka saarneyd qabashada doorasho xalaal ah.

Baadiyow ayaa Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh ku eedeeyay waxqabad la’aan iyo faragalin hantiyadeed waxa uuna sheegay inaysan muuqan sabab ay kusoo kororsan karto mudada u harsan.

Dowlada hadda jirta ayuu ku tilmaamay mid ku fashilantay dhamaan tiirarkii Siyaasada wuxuuna taasi ku micneeyay Siyaasad gaabida heysata mas’uuliyiinta iminka heysa xilka Qaranka.

Wuxuu tusaale usoo qaaday in DFS ay hana weyso Siyaasada, ammaanka iyo Dhaqaalaha dalka Somalia islamarkaana aysan suuragal aheyn in muddo kororsi loo sameeyo, bacdamaa ay dayacday fulinta qodobadaasi ee looga fadhiyay.

Baadiyo wuxuu carab dhabay in Dowladu ay ku fakankarto kaliya inay la imaado wax qabad muuqda iyo sharciyo lagu dhaqangalinkaro hanaanka Siyaasada, hase ahaatee aan la arag illaa iyo hadda waxqabadkooda.

Isaga oo fashilka DF ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Wey muuqataa dhamaan waxyaabaha aan ku dhaliilaayo Dowlada, waayo madaxda maanta joogta in la yiraahdo wakhti ayaa loo kordhinaa waxaan u arki donaa ciyaar”

”Kuwa hadda xilka noo hayo waa kuwii horseeday fashilka maanta aan dhex taaganahay, waa kuwii ku fashilmay inay keenaan dadka wax ay ku heshiis yihiin, dhaqaalihii, amniga iyo waxyaabo badan”

Somalia ayuu sheegay inay u baahan tahay hogaan ay raali ku yihiin umadda Soomaaliyeed, bacdamaa uu yiri dadka Soomaaliyeed ay u hamuun qabaan hogaan daacad ah.

Haddalka C/raxmaan Macalin Baadiyoow, ayaa imaanaya xili ay madaxda Qaranka isku khilaafsan yihiin hanaanka ay u dhici laheyd doorashada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com