Somalia oo gashay 12 heshiis oo sharci darro ah

Muqdisho (Caasimada Online) –  Sanad walba maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa Maalinta Ka Hortagista Musuqmaasuqa Adduunka , hadaba Goobjoog News ayaa la kulantay Hanti Dhowraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale si wax uga ogaato heerka Musuq-Maasuqa ee dalka.

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in uu shir Jaraa’id qaban doono si uu u faahfaahiyo heerka Musuqa dalka iyo sida looga hortagayo, laakin waxa uu Goobjoog News uga jawaabay dhowr su’aal oo ay ugu horeyso waxa ay tahay tahay Shaqadiisa.

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka: Shaqadeydu waa ilaalinta hantida Qaranka, dhamaan heshiisyada Maaliyadda ku saabsan aniga ayey i hoos yimaadaan, Siyaasad shaqo kuma lihi.

Goobjoog News: Maanta waa Maalinta Ka Hortagista Musuqmaasuqa Adduunka , bal ka waran heerka Musuqa Soomaaliya?

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka: Dalka waxaa ka jira Musuq-Maasuq baahay, waxaan habeen iyo Maalin u soo jeedaa, La dagaalanka Musuq-Maasuqa, eexda iyo qof Jecleysiga.

Goobjoog News: Soomaaliya kaalintee uga jirtaa Musuqmaasuqa Adduunka?

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka: Kaalinta 157, Hal dal ayaa naga liito oo ah Waqooyiga Kuuriya, mar mar xitaa waan ka hoos marnaa.

Goobjoog News: Adiga Ma Aragtaa Musuqmaasuq, Wax nooga sheeg?

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka:  Sanadkii hore Financial Governance Committee (FGC) waxaan u gudbiyay in Xukuumadda Soomaaliya ay gashay 12 heshiis oo dhamaantood sharci darro ah, Maalin walba dowladda waxaa heshiisyo siisaa Shakhsiyaad Soomaali iyo Ajaanib ah, Lamana Marsiiyo Wadaddii saxda aheyd.

Goobjoog News: Waa Maxay Waddada Saxda ah?

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka:  Waddada Saxda waa waxa loo yaqaano public private partnership oo ah in dowladda ay heshiis la gali karto qof, Shirkad ama wax ka badan, laakiin in wax walbo la qeexo, sida in dadka loo sheego xaqa ay ku leeyihiin, sida dunida ka dhacda haddii dowladda dhulkeeda shirkad lagu wareejiyo dowladda waxaa ay qaadataa ilaa 70% lacagta goobtaas ka soo xaroota, Bal hadda Weydii Dowladda waxa ay ka qaaddo Airportiga, Dekadda, Difgeer ama Xitaa Haamaha Keydka ee dorraad la bixiyay….Heshiisyo lala galay Soomaali iyo Ajaanib ayaa jirto oo aan la ogeyn faa’idada dadka Soomaaliyeed ugu jirta.

Goobjoog News: Adiga, Maxaad Ka Qabatay Waxaan Aad sheegeyso?

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka:  Walahi wax badan, Tusaale ahaan, Waxaan soo kordhiyay in Wasiirka, Wasiir ku xigeenka ama Wasiiru Dowlaha aanu xafiiska ka tagin ilaa uu xil wareejin sameeyo oo laga tiriyo wax walba sida Documents, Lacag, Shaqaale, Warad, Unit, Baabuur….Wax walbo waa in ay wareejiyaan.

Waxaan hor istaagan in Mas’uul kasta marka la Magacaabo uu Beeshiisa horay u soo kaxeysto, waxaan u sheegay in aadan qori Karin qof aadan Miisaaniyad u heyn.

Waxaan Mas’uuliyiinta dowladda ka mamnuucay in ay Account ama Xisaabaad ka furtaan Bankiyada Maxaliga oo waxaa hadda loo ogol yahay oo kaliya Bankiga dhexe.

Waxaan hubiyaa dhamaan heshiisyada dhaqaale ee dowladda ay gasho, waayo aniga ayey i hoos yimaadaan.

Googjoog News: Ugu Dambeyntii, Rajo ma jirtaa?

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka: Haa, Rajo fiican, Waxaan xalka ku sheegi doona shirka Jaraa’id.

Xigasho – Goobjoog News