Xog: Warar ka soo baxaya xildhibaanadii la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa sii daayey  Seddex kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Dalka Kenya oo Soomaali ah, kuwaas oo xabsiga la dhigay.

Xildhibaanadaani ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay ka hadleen arrimo dhowr ah oo aysan la dhacsaneyn Dowlada Kenya taasi oo la xiriirta Xawaal-wadareed dhawaan laga helay degmada Mandheera ee Waqooyi bari Kenya.

Xildhibaannada la xiray ayaa waxaa ka mid ahaa Bilow Keerrow, Max’ed Max’ed iyo Max’ed Xuseen Cali, waxaana la geeyay laanta dambi baarista dalka Kenya ee CID, halkaas oo lagu baaray, kadibna lasii daayey.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Booliska Kenya ay sii daayeen Senator Biloow Keerow iyo Xildhibaano kale, saacado kadib markii ay ka qabteen garoonka dayuuradaha ee Wilson Airport ee magaalada Nairobi.

Keerow ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaanada kale oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Gobolka ay Soomaalidu degto ee Waqooyiga Bari ee Kenya la xiray balse booliska ay hayeen muddo kooban, kadibna ay sii daayeen .

Xubnahan la xiray ayaa shalay raali-galin ka bixiyay eedeymaha ay horey ugu jeediyeen dowladda.

Dhanka kale, xariga iyo xasaanada laga qaaday Xildhibaanadaasi ayaa waxaa cambaareeyey Xildhibaanada Soomaalida ugu jirta Baarlamaanka Kenya oo xadgudub ku sheegay xarigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com