Madaxweynaha Sh/dhexe & Hiiraan oo Turkey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali ayaa shaaciyay xiliga kama dambeysta ah ee la dhisayo maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo marar badan dib u dhacay.

Cumar C.rashiid, ayaa si rasmi ahu sheegay in maamulkaasi la dhisi doono ka hor bisha February ee sanadka soo socdo 2016, haddii isbedel kale uusan imaanin sida uu sheegay ra’iisul wasaraha dalka.

Wuxuu sheegay in xukuumada waddiisa ay waddo qorshe lagu qancinayo dhinacyada kala duwan ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo wali isku heysta halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cumar, ayaa tilmaamay in ka hor shirka xiga ee madaxda dowlada iyo maamul goboleedyada ee ka dhacaya dalka Turkiga la filayo in la dhiso maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Waxaan dooneynaa in shirka ka dhacaya Turkiga ee madaxda dowlad goboleedyada iyo dowlada ka hor aan soo dhisto maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sababtoo ah waxaa la doonayaa in la dhameeyo ka hor February”ayuu yiri Cumar.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe la doonayo inuu kamid noqdo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka ka dhacaya dalka Turkiga bisha February.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com