R/W CC oo qiray heerka musuq-maasuq ee 2015

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay marxalada uu dalka marayo iyo waxyaabaha u qabsoomay dowlada federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cumar, ayaa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id kaga hadlay shirkii ka furmay magaalada Muqdisho ee looga hadlayay aayaha dalka Soomaaliya iyo muhiimada uu ugu fadhiyo ummada Soomaaliyeed.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday dhaqaalihii badnaa ee loogu deeqay dowlada Soomaaliya sanadkan sii dhamaan ee 2015 iyo waxyaabaha laga hergeliyay dalka Soomaaliya sanadkan.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu qiray in 650 Milyan oo doolar soo gashay Soomaaaliya, isaga oo sheegay in dhaqaalahaasi qaarkood aan laga warheyn halka ay ku baxeen, sida uu hadalka u dhigay.

“650 Milyan oo doolar ayaa Soomaaliya sanadkan loogu deeqay, waxaan ognahay in dhaqaalahaasi qaarkood aan la ogeyn halka ay ku baxday, dhaqaalaha qaarna waxbaa loogu qabtay ummada Soomaaliyeed”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn wuxuu si rasmi ah u sheegay in sanadka soo socdo 2016 si adag loola socon doono halka lagu bixinayo dhaqaalo kasta oo soo gala dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay ra’iisul wasaaraha.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan warbixino la soo saaray waxaa lagu sheegay iney musuq maasuqday dhaqaalo loogu talo galay in dadka Soomaaliyeed wax loogu qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com