Gobol Somalia ka mida oo ajaanib ay buuxiyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Puntland, ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolkaasi ay buux dhaafiyeen Ethiopian farabadan oo raxan raxan u socda.

Ethiopian-kaani ayaa kasoo cararay dalkooda iyaga oo maciin biday inay ka shaqeystaan Deegaanada Gobolka Bari ee Puntland si ay uga helaan noolmaalmeed ka duwan kii ay ku heysteen dalkooda.

Ethiopian-kaani ayaa isugu jira Qaxooti tahriib doon ah iyo kuwo usoo shaqa doonta deegaanada Puntland.

Yuusuf Maxamed Wacays oo ah Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in dadka Oromada ah ee jooga Boosaaso ay lidi ku yihiin Amniga, Caafimadka, Horumarka iyo nolosha guud ee gobolka Bari dadka ku nool.

Madaxda guud ee maamulka ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan qulqulka Ethiopianka waxa uuna ka digay in la yareysto dhibaatada ka imaan karta qulqulkooda.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa golaha degaanka ka codsaday in ay keenaan Siyaasad wax looga qabanayo dadkan ha noqoto in laga caawiyo dib u dejin loo sameeyo ama in dib loogu celiyo dalkooda Ethiopia.

Geesta kale, waxa uu cadeeyay in dhibaatooyinkooda ay kamid yihiin fadhiisiga iyo jiifashada wadooyinka, waxa uuna taasi ku sheegay inay waxbadan u dhibeyso bilicda magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com