Sawirro: Madaxweyne Xasan oo booqday warshadaha hubka ciidamada Uganda

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Uganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey ‘dadaallada wax ku oolka ah’ oo ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in tallaabooyinka isku tashiga ah ee shacabka iyo dowladda Uganda ay sameynayaan ay dhiirri gelinayaan dalalka Gobolka iyo hal abuurka shucuubta Geeska Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalka Gobolka.

Wuxuu ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ay ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Booqashadii galabta waxaa Madaxweynaha Soomaaliya ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Ganacsiga, Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda Cali Maxamed Maxamuud.