Sawirro: Madaxweyne Xasan oo qirasho ka sameeyey kulan ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay xiritaanka shirweynaha caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen culumo iyo aqoonyahan ka socday gobolada iyo dalalka caalamka, ayaa qiray in dowladda federaalka ay ka gaabisay doorkeedii diinta ku aadanaa.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiiga dadkeena.

“Waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin waa diinteenna suubban ee Islaamka. Dowladda oo gaabisay dowrkeeda ku aaddan diinta ayaa sabab u noqotay in argagixisadu ay ka faaiideystaan oo si khaldan ugu maran habaabiyaan dadka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Maanta waxaa naga go’an in aan fasiradaas khaldan meesha ka saarno, dhaqankeenna bulsho iyo dowladnimo aan ku ilaalinno diinteenna suuban ee Islaamka.”

Madaxda xarumaha cilmu-baarista shareecada, maamulka macaahidda iyo goobaha lagu barto culuumta diinta Islaamka ee dalka ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, gaar ahaan qeybta shareecada.

Sidoo kale waxay gudoonsiiyeen madaxweynaha billad sharaf ay ku maamuusayaan doorkiisa kobcinta waxbarashada dalka.

Munaasibadaan ayaa waxa ka qeyb-galay Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliin sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasaaradda diinta iyo awqaafta Mudane Mukhtaar Roobow, culimo iyo aqoonyahano ka socday dalalka Jabuuti, Suudaan, Ciraaq, Nayjeriya, Al-jeriya iyo Itoobiya.