Khasaare ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay Mudug iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba maleeshiyo beeleed oo dagaal khasaare geystay uu ku dhexmaray deegaano u dhaxeeya Laan-waalay iyo degmada Saaxo ee gobolkaas.

Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay in ka badan 3 ruux, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac dagaalkooda uu ahaa mid aad u xoogan, balse si iskiis ah uu u istaagay galabta, walow dhinacyadii dagaalamay ay weli isku horfadhiyaan deegaanadii lagu dagaalamay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labada maleeshiyo beeleed uu dagaalkooda salka ku hayo muran dhul, wuxuuna dhulkaasi oo ku yaallaa halka ay maanta ku dagaalameen.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda deegaanada lagu dagaalamay ay gaari doonaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland, si ay u kala dhex galaan labada beelood ee halkaasi isku horfadhiya.

Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa muranka sababay gacan ka hadalka.