Sawirro: Ciidamo la magac baxay ‘Caano ka dhan’ oo ku biiraya dagaalka Al-Shabaab

Ceelberde (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana markaan dagaalka kusoo biiray dadka deegaanka Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Ciidamada deegaanka degmada Ceelberde ee gobolka Bakool ayaa u diyaar garoobay ka qeyb qaadashada howgalka degaannada hoostaga degmadaas looga saarayo maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada deegaanka ee la baxay (Caano ka dhan) waxay isugu jiraan dhallinyaro odayaal iyo haween oo u diyaar ah ladagaalanka Al-Shabaab, waxayna wacad ku mareen in ay deegaankooda ka xoreyn doonaan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Ceelbarde iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo fagaaro kula hadlay Ciidamada degaanka ayaa uga mahadceliyay sida ay u go’aansadeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Waxaa ay ballan qaadeen inay garab istaag u muujin doonaan ciidamada degaanka si ay Al-Shabaab, guud ahaan uga saaraan degaannada hoostaga degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka curtay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxayna kooxdaan wajaheysaa culeyskii ugu weynaa oo sababi karo in laga taqalusi.