Shirkadda COASTLINE oo shaacisay LACAGTA ay ku bixisay heshiiska shidaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Coastline Exploration ayaa faahfaahin ka bixisay heshiis xalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho, oo ay la gashay dowladda Soomaaliya, kaasi oo dib u habeyn loogu sameeyey heshiis ay horey u saxiixday dowladda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay shaacisay inay oggolaatay heshiiskii wadaagga wax soosaarka shidaalka ee Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, kaasoo uu hore u saxiixay Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirashiid.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa shaaciay inay lacag dhan 7 milyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

“Anagoo taageero ka helayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaan si toos ah u dhignay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag dhan $7 milyan oo ah saxiixa heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay inay shirkadda rajeyneyso in guul weyn laga gaaro baarista shidaalka.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay bixinta malaayiin dollar oo kale ah lacagaha loo yaqaan ‘royalty’, faa’iido kala qaybsiga iyo cashuurta dakhliga.

Shirkadda waxay shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud uu ogolaaday heshiiskan, sidaas darteedna ay ku dhawaaqayaan inuu dalka Soomaaliya u furan yahay ganacsi iyo heshiisyada shirkadaha caalami ah.

Waxay sidoo Shirkadda taageero ka heshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo badan.

“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.