Tallaabada Mareykanka oo caddeysay in DAGAALKA uu XASAN Sheekh iclaamiyey aanu ku koobneyn jiidda hore

Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii October 17, 2022 kusoo rogtay xayiraad afar iyo toban xubnood oo ay ka mid yihiin Khaliif Cadale oo u qaabilsan shabakad Al Shabaab soo uruurinta lacagaha hay’addaha aan dowliga aheyn (NGOs, samafalka), iyo Cabdullahi Jeeri oo ka mid ah Golaha Shuurada kuna shuqul leh ka soo iibinta hubka, dirayska ciidamada, qalabka isgaarsiinta, iyo GPSyada dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba.

Shakhsiyaadka la beegsaday waxaa ka mid ah Xasan Afgooye oo uu horey Maraykanka u saaren madixiisa 5 milyan doolar, Waaxda Maaliyadda Mareykankana ku tilmaantay mid muhiim u ah sii socoshada hawlgalada kooxda. Cunaqabatayntu waxay daba socotaa codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo September 2022 safar ku tagay Washington.

Kaaliyaha Xoghayaha ee Argaggixisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian Nelson ayaa qoraal ku yiri, “Waaxda waxay diiradda saaraysaa carqaladaynta iyo kashifaadda shabakadaha sharcidarrada ah ee argaggixisada uga hawlgala Bariga Afrika”.

Ganacsiga hubka waa mid ribix badan oo gobolka Bariga Afrika oo ay colaado kala duwan ka aloosan yihiin ka   dhigtay saldhiggiisa. Hubka si sharcidarro ah, oo ku qulqulaya gobolka, waxaa lagu qiyaasay hal bilyan doolar waxaana laga soo daabulaa Liibiya, iyadoo lagu kala iibsado inta badan Sudan, Koonfur Sudan, Uganda, Buruundi, iyo Kenya oo ay shabakadaha tahriibka hubka xoog ku leedahay.

Walow, cunaqabatayntu aysan dhab ahaantii ku fillayn in wax ka beddesho khatarta argaggixisada, haddana wadahawlgalka labada dowladood oo ugub ah ayaa astaan cad u ah in dagaalka ku koobnaan doonin jiidda hore, balse uu noqon doono mid dhan walba leh sidii uu horeyba u sheegay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kaloo ka mid ah  shakhsiyaadka xayiraadaha lagu soo rogay Cabdikariim Xuseen Gaaggaale iyo dhowr kale oo dowladdu ku beegsanayso dhaqaalaha kooxda iyo dacaayadaha loo fidiyo. Sanadkii 2021 waxaa xayiraad la saaray shakhsiyaad ay ka mid yihiinAbuukarCali Aadan, Macallin Ayman, iyo Mahad Karate, kuwaas ka wada tirsan hoggaanka Al-Shabaab.

Toddobaadkii dhawaa ayuu Xasan Sheekh ku guulaystay in dowladda Soomaaliya iyo tan Itoobbiya iska kaashtaan sirdoonka si loo xakameeyo hawlgallada Al Shabaab oo aad u ballaartay labadii sanadood oo uu dalka ku jiray marxalad kalaguur ah, taasoo keentay in kooxda u xaluulato degaanka Soomaalida Itoobbiya.

Kooxda waxaa lacago lagu qiyaasay ilaa 100 malyan doolar sanadkii ka soo gashaa ilo kala duwan, iyadoo rubac ka mid ah (24 malyan) ku baxdo hub. Warbixin uu soo bandhigay Machadka Cilmi Baarista ee Frankfurt ayaa sheegaysa in Puntland ay tahay goobta ugu kharashka yar ee lagu kala wareego shixnadaha, iyadoo Iran u adeegsato maamul-goboleedka xuddunta hubka u socda amase ka yimaad Yemen (PRIF Blog 24/03/2021).

Sidoo kale, donyo ka yimaada dekedaha Imaaraadka Carbeed ayaa ka soo dega xeebaha aadka u ballaaran oo aan la ilaalin ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada badda ee caalamiga ah ay qayb yar uun qabtaan. Shabakadda ka hawlgasha ganacsiga hubka iyo tarhiibinta Yemen ee lagu soo rogay xayiraadda waxaa ka mid ah Maxamed Xusen Salad, Axmed Xasan Cali Sulaiman Mataan iyo Maxamed Cali Badaas.

Ma jiro waddan keligiis wax ka qaban kara argaggixisada. Haddii hawsha ay bilaabeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka uu caalamka gacan ka gaysan waayo waxna laga qaban mashaakilaadka salka u ah in dhallinyarada ku biirto argaggixisada, cunaqabateynta waxay noqon doontaa wax kuma ool.