Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Madaxwaynaha ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay wasiiru-dowladaha wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo hay’adda nabad-sugidda.
Intii kulanka socday ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar-gelinta howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada, kaasi oo bilhii dambe uu hoos u dhac ku yimid, kadib muddo kooxda Al-Shabaab dagaal adag lagu hayay.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka ciidamada qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Sidoo kale wuxuu madaxweynaha bogaadiyay daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen ciidammada xoogga dalka, oo ayagu kaalin muhiim ah uga jiray dagaalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan dadaal ku bixineysa sidii markale loo qaadi lahaa guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayadoo dhawaan abaabulkeeda la bilaabay shacabkii hubeysnaa ee ka barbar dagaalamayay ciidanka dowladda.
Kooxda Al-Shabaab ayaa awood ahaan wiiqmatay markii uu bilowday gulufka ka dhanka ah, wallow markii dambe ay heshay nafis ay dib ugu soo haweysato dhulkii laga qabsaday, taasi oo haatan u baahan qorshe iyo howlgal ka culus kii hore.