Sawirro: Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee QATAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taasi oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad.

Danjiraha ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa waxa kale oo uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabilay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa waxa 17-kii bishii October ee sanadkaan uu Amiirka dalka Qatar u soo magacaabay inuu noqdo Safiirka dalkiisa u fadhiya Soomaaliya.

Cabdalla ayaa waxa uu bedelay Safiirkii hore ee Qatar u joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamza, oo ahaa Safiirka dalkaas tan iyo 13-kii July ee 2014-kii. Waxa uu ahaa mid ka mid ah safiiradii ugu waqtiga dheeraa ee joogay Muqdisho.