Xasan Sheekh oo safar ugu baxaya gobol ka mid ah dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa inay gaaraan degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, xili uu dhawaan gaaray furimaha dagaalka.

Wafdi horudhac u ah madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inay sii gaareen degmada Cadalle, ayada oo halkaasi ay gaareen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle.

Sida qorshuhu yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cadalle kula kulmi doona saraakiisha ciidamada iyo kuwa deegaanka ee hogaaminaya howl-galada ka socda Shabeellaha Dhaxe.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ka dhageysan doona warbixino la xariirta halka ay marayaan howl-galada socda, ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo sanadihii dambe dhibaatooyin badan ku haysay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hore socdaal ugu tagay deegaano dhowr ah oo furimaha dagaalka ee ka socdaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa shacabka ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay dadka deegaanka ee dagaalka ku jira.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ayaa dhawaan Al-Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo horey u haysteen, waxaana socda howl-galka ay ciidamada ku doonayaan in guud ahaan gobolka uga saaraan Al Shabaab.