Hanti dhowraha qaranka oo soo bandhigay malaayiin dollar oo la waayey 2021-kii

Muqdisho (Caasimada Oline) – Hanti dhowraha guud ee qaranka, Dr. Maxamed Cali Afgooye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin sanadle ah oo ku aadan hab maamulka maaliyadeed ee dowladda ee sanadkii hore 2021.

Afgooye ayaa warbixintiisa diirradda ku saaray dhinacyo badan, sida xisaab xirka miisaaniyadda ee 2021-kii, taas oo gaareysay $666 milyan oo Dollar, isaga oo ka hadlay sida loo maareeyey deeqihii la helay iyo Covid-19 oo mar labaad soo laba kacleeyey.

Hanti dhowraha qaranka ayaa shaaca ka qaaday inuu baaris ku sameeyey illaa 29 hay’adood oo ka mid ah 67-da hay’adood ee dowladda iyo sidoo kale laba safaaradood.

WARBIXIN MAALIYADEED

Warbixinta kasoo baxday hanti dhowrka ayaa waxaa lagu sheegay in qaladaad uu ka jiro xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee 2021, islamarkaana aan si sax loo soo bandhigin, ayada oo sidoo kale hanti dhowraha uu iska fogeeyey, sababo la xiriira xogta oo koobneyd.

“Waxaan ka dhowrsaday Hanti dhowr ahaan inaan ansixiyo xisaab xirka dowladda ee la’iisoo gudbiyey sanadka 2021,” ayuu shirkiisa jaraa’iid ku yiri Hanti dhowraha qaranka.

Maxamed Cali Afgooye ayaa sidoo kale warbixinta ku sheegay in la waayey $28 Milyan oo Dollar oo dakhli ah, islamarkaana ay dowladda ka heshay qandaraasyo lala galay shirkado caalami ah, isaga oo tilmaamay in aan la xaqiijin, maadaama aan loo hayn caddey ku filan.

Sidoo kale wuxuu tintaasi kusii daray in uusan heyn boqoleyda ay lahaayeen shirkahadaasi iyo waxa ay heleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

DEYN

Hanti dhowraha qaranka ayaa sidoo kale soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay sanadkii lasoo dhaafay 2021-kii gashay deyn dhan $96 milyan oo ka timid, sanduuqa lacagta adduunka, IMF iyo $21,992 kun oo laga qaatay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Deyntan ayuu sheegay in markii hore aan laga anisixin Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu qabo sharciga, sidoo kalena aan lagu wargelin isagoo ah Hanti dhowraha guud ee qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dib loo soo celiyey $35,156 kun oo ka mid ah lacagtii laga qaaday bangiga dhexe oo gaareysay $21,992 kun, balse aan la heyn meesha la geeyey $13,164 kun, oo gebi ahaanba la waayey halka mariyey, sida uu ku xusay warbixintiisa.

Waxa kale oo u sheegay inay jirto $1,441 kun oo lagu soo calaamadeeyey dul-saar heshiis laba geesood ah oo ay gashay dowladda Soomaaliya, balse aan la caddeyn heshiisyadaas.

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale sheegay in xafiiskiisa uu sameyn doono baaris gaar ah oo la xariirta deyntaas guud, gaar ahaan sida laga yeelay $96 mliyan ee la waayey.

GOBOLKA BANAADIR

Warbixinta hanti dhowrka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay lacagn dhan $16 milyan ah oo la siiyey gobolka Banaadir, taas oo laga helay rugta ganacsiga iyo bangiga horumarinta, wuxuuna sheegay in lacagtaas aan marin habraaca maaliyadeed ee dalka.

SAFAARADO

Sida ku xusan warbixin sanadeedka hanti dhowrka qaranka ee uu maanta shaaca ka qaaday waxaa ku jirto baaris lagu sameeyey lacag dakhli ah oo ay soo xareeyeen safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla Nairobi iyo Addis Ababa, kuwaas oo helay lacag dhan $1 mliyan, taas oo badankood ay ka timid safaaradda Soomaliya ee magaalada Nairobi.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in lacagtaas isla-markiiba la isticmaalay, ayada oo aan lagu soo shubin qasnadda dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya.

QALADAAD

Hanti dhowraha ayaa dhinaca kale soo bandhigay qaladaad jiro, wuxuuna tilmaamay in hay’adda dowladda badankood aysan la aheyn  qorshe iib oo sanadle ah oo ay ku shaqeeyaan, taasina ay caqabad ku noqonayso hannaanka iyo hufnaanta shaqadooda.

Warbixintiisa ayuu sidoo kale ku sheegay inay jiraan koontooyin ka baxsan kuwa dowladda oo ay isticmaalaan hay’ado qaar, kuwaas oo lacago lagu shubo, taas oo aan la ogaan karin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in jiraan heshiisyo qaar oo aan laga diiwaan-gelin xafiiska hanti dhowrka iyo deeqo lacageed oo aan lagu darin miisaaniyadda dowladda.