Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xilka u kala wareejiyay Mahad Salaad iyo Sanbaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore ee hay’adda , Mudane Mahad Maxamed Salaad, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee NISA Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha iyo askarta Nabad-sugidda inay si dhow ula shaqeeyaan agaasimaha cusub, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe),

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

Intaas kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

Isbeddelka hoggaanka sare ee hay’adda NISA ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah iyo mid kale oo ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Somaliand & Itoobiya.