Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Muqdisho oo gebi ahaan istaagay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha caalamiga ah ee imaan jiray caasimada ay joojiyeen gebi ahaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tegi jireen garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradaha waa weyn ee duulimaadyadooda joojiyay waxaa kamid ah Turkiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo keeni lahaa rakaab, kuwa kalena qaadi lahaa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in sababta ay u baaqdeen diyaaradahan ay tahay, kadib digniintii kasoo baxday Mareykanka oo shaaciyay inay jirto halis wayn oo amniga, ayna suuragal tahay in garoonka iyo meelo kale la weerari karo.

Dhanka kale ma cadda in iyana ay soo dagi doono diyaaradda shirkadda Itoobiya oo iyana kamid ah duulimaadyada maanta la filayay inay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

“Diyaaradaha Turkiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa dib u dhigay maanta duulimaadkooda Muqdisho, ayada oo weli aysan kala caddeyn shirkadda Itoobiya oo jadwalkeeda uu dhagan yahay” ayaanu kasoo xiganay mid kamid ah ilo wareedyo ku sugan garoonka Aadan Cadde.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan hakadka ku yimid duulimaadyada caalamiga ee garoonka Aadan Cadde iyo cabsida laga qabo weerarada argagixiso oo ay ka digtay safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

“Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka.

Digniintan soo baxday kadib ayaa si weyn feejigaan looga dareemay Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka caasimada iyo meelaha u dhow garoonka Aadan Cadde.