5-ta qodob ee Mahad Salaad uu xaqiijiyay ee Sanbaloolshe uga baahan laba arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA maanta waxay geli doonta marxalad cusub.

Waxaa xilka wareejin doona Mahad Maxamed Salaad oo hay’addaan joogay tan iyo 26-kii May ee 2022. Waxaa beddelaya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo markii saddexaad kusoo laabtay kursigaan.

Madaxda sare ee dowladda federaalka ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan munaasabadda xil-wareejinta.

Mahada Salaad ayaa wareejinaya hay’ad ay bulshada qireyso inay wax badan ka qabatay ammaanka caasimada. Warbixintana waxaa kusoo koobeyna shan qodob oo Mahad Salaad uu xaqiijiyay Sanbaloolshe uga baahan adkeyn iyo ilaalin.

1. NISA oo siyaasad ku jirin

Mahad Maxamed Salaad wuxuu ku guuleystay inuu gacmihiisa ka dhowro inuu awoodda hay’adda u adeegsado siyaasiyiinta ama sida kale inay hay’adda siyaasad ka shaqeyso, taasna waxaa laga faa’iiday in amniga diirada la saaro.

Madaxdii hore ee hay’addan waxay caan ku ahaayeen inay waqtiga ugu badan geliyaan siyaasad, taas oo sababi jirtay inuu amniga dayacmo.

Agaasimaha cusub ee NISA waxaa hortaalla inuu qodobkaan xafido, si uusan amniga uga hoos marin halka uu maanta joogo.

2. NISA la nool shacabka

Ciidanka dharcadka ah ee magaalada Muqdisho iyo gobollada ku sugan oo markii Mahad yimid dhowr boqol ahaa, maanta waxaa la sheega inay dhowr kun yihiin.

Waxay joogaan guud ahaan degmooyinka caasimadda iyo gobollada qaar, waxayna waxtar u noqdeen hoos u dhaca ku yimid dilalkii tooska ahaa ee argagixisada ka geysan jirtay caasimadda, waxay abuureen kalsooni bulsho iyo in dadweynaha aaminaan in fal-dambiyeed walba loo heli karo jawaab waqtiyeysan.

Sanbaloolshe waxaa laga sugayaa inuu ciidankan sii tayeeyo oo uu ku biiriyo hal abuur cusub.

3. Kaamirooyinka lagu nastay ee Muqdisho

Asbuucan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay xukuntay taliye degmo oo loo haysto dilka ganacsade reer Muqdisho ahaa. In kiiskan la helo waxaa sahlay kaamirooyinka amni ee nabad-sugidda ku xirtay guud ahaan caasimadda.

Waxaa loo arkaa mid kamid ah waxyaabaha lagu nastay ee laga faa’iiday nidaamkii NISA ee Mahad Salaad.

Taliyaha cusub waxay uga baahan yihiin ilaalin, casriyeyn iyo ku shaqeyn joogto, si faa’iidadeeda usii socoto.

4. NISA iyada laga nabad-galo

Hay’addan waxaa sanadihii hore shacabka kala kulmi jireen dhib badan, waxaana lagu eedeyn jiray afduubyo iyo inay leedahay xabsiyo qarsoon oo laaluush looga qaato shacabka.

Mahad Maxamed Salaad wuxuu ku guuleystay inuu soo afjaro gefafkii ciidanka hay’adda kula kici jireen shacabka. Waxaana Sanbaloolshe hortaalla inuu taas xafido, oo aanay hay’adda dib ugu laaban dhibaateyntii shacabka.

5. Amniga caasimadda

Midda shanaad ee ugu dambeysa uguna muhiimsan waa amniga caasimadda. Mahad Salaad keliya ma wareejin doono NISA ee wuxuu kale uu wareejin doona caasimad wax badan ka amni badan intii hore, bulshaduna ay taas qiran tahay.

Waxaana agaasimaha cusub ee Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe xujo ku ah amniga ma kasii fiicnaan doona halka uu maanta joogo mise waa ka hoos mari doona.