Sawirro: Wararkii u dambeeyey ee dagaalka GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa saaka degan xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland.

Goobaha ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa saaka furan waxaana la arkayaa wadooyinka qaar oo aan suuragal aheyn inay maraan dadka shacabka ah, maadaama ay iska ugaarsanayaan ciidamada is horfadhiya.

Xaafadaha qaar ayaan jirin qoysas xalay ku hoyday kadib markii ay kamid noqdeen dadkii ka barakacaayay dagaalka maalmahaani socday.

Labada ciidan ayaa weli is horfadhiya waxaana suuragal ah in mar waliba uu dhaco dagaal waa haddii aan la helin dad kala dhexgala.
gaalkacyo-1

gaalkacyo-2

gaalkacyo-3

gaalkacyo-4

gaalkacyo-5

gaalkacyo-6