Xasan oo hadal yaab leh kasoo saaray maqaamka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay muujinta Maqaamka Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in Gobolka Banaadir uu yeelan doono maqaam gaar ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu sheegay in Maqaamka Magaalada Muqdisho uu noqon doono mid lagu qeexaayo maqaamka Caasimada Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay xooga saari doonto sida Muqdisho ay kula soo laaban laheyd sumcada iyo wanaagii ay lahaan jirtay waxa uuna carab dhabay in dowladu ay ahmiyad u leedahay hirgalinta Maqaamka Muqdisho.

Waxa uu sheegay in qorshaha dowlada uu qeyb ka yahay in Magaalada Muqdisho ay hesho maqaam iyada u gaar ah, waxa uuna ballanqaaday inuu ka dhabeyn doono, ayna noqon doonto magaalo dadka u siman yihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Somalia ay ku dadaali doonto sidii maamul goboleed loogu sameyn lahaa gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Waxa uu tilmaamay inay sameyn doonaan maamul aan aheyn kan ay sameystaan dad is uruursaday, waxa uuna cadeeyay in talaabadaani ay dhaqan galinayaan.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Somalia ay ku fashilantay hanaanka ay u mareyso dhismaha maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com