Col. Jimcaale: “3 baabuur ayaan ka gubnay Puntland, 20 ka badan waa la dilay”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Puntland ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyadoo qasaare naf iyo hub ah u geystay dhinaca Galmudug.

Taliyaha ciidamada Puntland ee aagga dagaalka Gaalkacyo Col. Jimcaale Jaamac Takar oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inay Galmudug ka gubeen saddex Gaari oo kuwa dagaalka ah, dhimashaduna dhinaca Galmudug lagu sheegay labaatameeyo sida uu yiri.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda Galmudug inay dagaalka ka danbeeyaan Madaxweynaha Galmudug iyo Cabdi Qeybiid.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Puntland, waxaana dhinaca Galmudug ay iyaduna sheegteeen guulo ay ka gaareen dagaalkii shalay.

Dhageyso taliye Jimcaale

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/10/jimcaal.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com