Dhageyso taliyaha Galmudug: “Inaan qabuuraha buuxino xal aan ahayn ma lahan Puntland”

Gaalakcyo (Caasimada Online) – Galmudug ayaa guul ka sheegatay dagaalkii ugu danbeeyay ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay inay Puntland diideen nabadii.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug G/lle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar) oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo ay diideen wadahadal iyo Nabad ka dhacda magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa sheegay inuusan jirin wax xal ah oo aanay ahayn in qabuuraha Gaalakcyo la buuxiyo.

Puntland ayuu sheegay inaysan joogi karin dagaal la’aan dhinacooduna ku qasban yihiin inay is difaacaan.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/10/cadar.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com