27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sawirro: Maxaa ka mid ahaa qodobada laga soo saaray shirka IGAD?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia lagu soo lagu soo afmeeray shir ay la haayeen Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Shirka oo ay ku kulmeen madax farabadan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada adag ee ka taagan South Sudan.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo 24 ah oo ay isku raacen madaxdii ka qeyb gashay shirkaas, waxaana kamid ahaa:

1-In la qaado talaabo deg deg ah taas oo gurmad loogu sameynayo dadka ay saameeyeen dagaalada ee ku nool dalka Sudanta Koonfureed.

2-Baaq loo diray Kooxaha Mucaaradka taas oo ku aadan in ay qaataan xabad joojin rasmi ah islamarkaana ay u hoggaansamaan warkii ka soo baxay Madaxweynaha dalkaas.

3-In wadahadal dhab ah laga dhex furo dowlada iyo dhinacyada Mucaaradka.

4-In isbedel uu muujiyo Madaxweynaha South Sudan si looga gudbo xiisada taagan, ee aan xalkeeda la heyn.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo ah Madaxa IGAD ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in hoggaamiyeyaasha Suudaanta Koonfureed ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay sheegen in ay muhim tahay in il gaar ah lagu hayo dhibaatada ka taagan Sudanta Koonfureed taas oo ay dhibaato ka soo gaarto dadka Shacabka ah ee dushooda lagu dagaalamay.

Geesta kale,Dhammaan Madaxdii Shirkii IGAD ka hadashay ayaa tilmaamay inaysan habooneyn in indhaha laga qarsado dhibaatada ay geysanayaan Mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News