Maxaa kasoo baxay shirkii xalay Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan isugu yeeray musharaxiinta mucaaradka Koonfur Galeed ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaas iyo muranka hareeyay doorashada kusoo socota.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan musharaxiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed, sida Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Aadan Fargeeti iyo xubo kale oo saameyn leh.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay, gaar ahaan dhacdadii sababtay dagaalkii magaalada Baydhaba.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay arrimaha dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si loo helo midnimo isla-markaana la’isaga kaashado sidii loo sii amba qaadi lahaa dagaalka dib u xorreynta ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Guddoomye Sheekh Aadan Madoobe oo madasha ka hadla ayaa dhankiisa boggaadiyay dadaallada billowday ee lagu doonayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu ku baaqay, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo musharaxiinta ay ku ballameen in kulan kale la isugu yimaado habeen dambe, si loo sii amba qaado wadahadallada socdo  ee ku aadan xaaladda murugsan ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale waxaa haatan caasimada Muqdisho isna ku sugan Madaxweyne Lafta Gareen oo ka qayb-galayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo xaaladaha taagan.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 5-ta bisha soo socota ee Janaayo ee sanadka cusub la qaban doono shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo go’aan rasmiga looga gaari doono arrinta maamulka Koonfur Galbeed.