Baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyad sanadka 2023 – Waa imisa kororka lacageed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada-jir ah yeeshay ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa mudanayaasha laba Aqal waxay dood ka yeesheen miisaaniyadda dowladda 2023, dood dheer iyo falanqeyn kadib Xildhibaannada BFS ayaa meel mariyay, 172 mudane ayaa ogol ugu codeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa Isniintii hortagay kulanka labada Gole, kaasi oo ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda 2023, taasi oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga maaliyadda ee labada Aqal.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

15-kii November ayey aheyd markii shirka Golaha Wasiirada shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre lagu meel-mariyay miisaaniyadda dowladda ee 2023 oo ka kooban dakhli gudaha ah iyo deeq, taasi oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyada maanta la ansixiyay ayaa waxay 49 Milyan oo Dollar ka badan tahay miisaaniyada sanadkii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya.