PUNTLAND oo eedeyn yaab leh u jeedisay Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale eedeyn culus oo yaableh u jeedisay Somaliland oo daris yihiin kadib rabashadihii Talaadadiid ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatada ka dhalatay rabshadihii shalay ka dhacay Laascaanood kadib markii dad dibad-baxayay ay rasaaseeyeen ciidanka Somaliland.

Dirir ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas ay dhigayeen dibad-bax ka dhan ah maamulka Hargeysan, ayna ku cabiraeen dareenkooda, balse la dhibaateeyay.

Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool deegaanada gobollada Sool iyo Sanaag.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Puntland oo hadalkiisa sii wata eedeyn culus dhabarka u saaray xukuumadda Hargeysa, isaga oo isla xiriiriyay Al-Shabaab iyo Somaliland.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa xusay inay wada shaqeystaa Al-Shabaab iyo Somaliland, isla-markaana ay yihiin isku hal hay’ad oo dadka dila, isida uu hadalka u dhigay.

”Hal hay’ad ayey isku yihiinAl-shabaab iyo Somaliland waana wada-shaqaystaan waxaana Laascaanood dadka ku laaya waa Somaliland iyo Al-shabaab oo wada-shaqaynaya” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Diriir oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.

Inta badan labadaan maamul oo horay u dagaalamay ayaa warbaahinta isku mariya hadallo kul-kulul oo uga sii daraya xiisada haatan u dhexeysa xukuumadaha Garoowe & Hargeysa.