Dibadbaxyo maanta dib uga billowday Laascaanood iyo Wararkii ugu dambeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta markale ay dibadbaxyo dib uga bilowdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Dibad-baxyadaan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeedaaa dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Laascaanood iyo weliba madaxda hay’addaha amniga oo ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga, kadib markii ay iyaguna shaqo joojin sameeyeen ganacsatada ku dhaqan magaaladaas oo dhacda waqooyiga Soomaaliya.

Qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa Somaliland ka dalbaday inay ka hortagto dadka dilalka u geysanayo hal-doorka gobolka Sool, ayaga oo si weyn u dhaliilay hay’addaha amniga ee ku shaqada leh amniga magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale laamaha ammaanka ayaa isku daya inay ka hortagaan mudaharaadyada shacabka, waxaana ciidamo la dhigay bartamaha magaalada, inkastoo ciidamadu ay la kulmeen dhaleeceen xoogan, kadib khasaare ka dhashay rasaas ay shalay adeegsadeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa dhankiisa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Laascaanood, isaga oo waxa ka socdo ku tilmaamay inay yihiin xasuuq ay geysaneyso Somaliland.

“Waxaan aad u cambaaraynayaa xasuuqqa muddada dheer uu  Maamulka Soomaaliland ku hayo dadka shacabka ah ee  reer Laascaanood” ayuu yiri Senator Tima-cadde

Si kastaba, dibad-baxayadan oo si weyn looga dareemay Laascaanood aya intii ay socdeen waxa ay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka goobaha & ganacsiga ee magaaladaas.